HomeWararWasaaradda amniga Jubbaland oo war ka soo saartay Dilkii ka dhacay Kismaayo

Wasaaradda amniga Jubbaland oo war ka soo saartay Dilkii ka dhacay Kismaayo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Maanta waxaa shir looga hadlayay amniga ku yeeshay Madaxda Wasaaradda amniga Jubbaland. Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur,waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga maamulkaas. Inta uu kulanka socday ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Maanta waxaa shir looga hadlayay amniga ku yeeshay Madaxda Wasaaradda amniga Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur,waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga maamulkaas.

- Advertisement -

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan,hayeeshee waxaa diirada lagu saaray ahimiyada dhanka ammaanka iyo adkeynta nabadgelyada deegaanada maamulka Jubbaland.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xil la iska saaro ilaalinta nabadgelyada deegaanka,isla markaana waxaa uu ka hadlay Dilkii xalay Magaalada Kismaayo loogu geystay Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xasan kaasi oo kamid ahaa Waxgaradka kunool halkaasi.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa tacsi u diray dhammaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuunka,waxaana uu been abuur ku tilmaamay Sawirro baraha Bulshada lagu arkay oo lagu sheegayay in uu ahaa Cabduqaadir Ibraahim Xasan,kadib markii xalay la dilay la soo dhigay.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee xalay ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Jubbaland kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xasan,waxaana dilkiisa ka hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe,isagoo laamaha amniga Jubbaland faray inay si deg deg ah u soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts