Alle ha u naxariisto Wariye Axmed Xuseen Caddow oo ka tirsanaa Shaqaalaha Warbaahinta Dalsan ayaa goordhaw ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho,kadib xanuun dhanka Wadnaha ah oo maalmaha uu isbitaalka la jiifay.
Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Dalsan waxay tacsi tiiraanyo ley u dirayaan Ehelkii,Asxaabtii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumku dhammaantood samir iyo iimaan Alle haka siiyo,isagana waxaan Alle uga baryeynaa inuu Jannadii ka waraabiyo.
Marxuum Axmed Xuseen Caddow ayaa Tifaftire kasoo noqday Idaacadda Dalsan isagoo ka mid ahaa shaqaalaha ugu firfircaan Warbaahinta Dalsan.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun!!.