Wareysi:-Xarunta CID-da oo lagu xiray Haweeney Cirbad ku durtay Darawal Mooto Bajaaj

Duhurnimadii Talaadada Maanta ayaa waxaa agagaarka Isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho waxaa Haweyen la sheegay in Darawal Mooto Bajaaj ay ku durtay curbad aan ilaa iyo hadda la ogeyn waxa ay tahay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Haweyneyda Wiilka dhalinyarda ah uu ku waday Mootada balse markii ay mareysay agagaarka km4 ay cirbada ku durtay intaasi kadibna uu wiilkii aad u qeyliyey.

“Runtii aniga oo meesha maraya oo magaalada ku sii socda ayan arkay xarunta CID-da oo la dhooban yahay oo ay joogaan wiilal bajaajley ah oo aad u careysan oo dhahayay hanaloo soo bixiyo haweeneyda waan dileynaa markii aan weeydiiyey askar meesha ku sugneyd waxa ay I dhaheyn haweeney ayaa meeshanku xiran ii darawal Mooti bajaaj cirbad ku durtay aniga gabada iyo wiilka weli ma arkin laakin haweneyda weey xiran tahay wiilkana waa la qaaady si isbitaal loo geeyo ayuu yiri qof goobjooge ah”

Dhacdadaan Maanta ayaa ah mid aad loo hadal haayo,waxana ay aheyd mid bilihii u dambeysay iyada oo mid la mid ah ay horay uga dhacday Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Goobjooga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media