Gurigaan ku dumay Shaqaalaha dhisayay ayaa waxa uu ku yaalla Agagaarka Ceelka-Geelow ee degmada Wadajir ee gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen laba ruux.
Labada Ruux ee Shaqaalaha ah ayaa Giriga duminayay si dib loogu dhiso,isaga oo ka mid ahaa dhismayaashii hore balse dadkii lahaa ay doonayeen in loo dhiso.
Mid ka mid ah dadka Xaafada Ceelka Geelow ayaa Dalsan u sheegay in labada Ruux ee geeriyootay mid ka mid ah uu ku geeriyooday Isbitaal la geeyay halka midka kale isla goobta uu ku geeriyooday.
Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa mararka qaar dhaca,waxana inta badan ay ka dhacdaa goobaha laga qodayo kaawooyinka.
Hoos Ka Dhageyso Goobjoogaha.