Ciidamada Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameynayeen Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolkaas.
Maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo ka hadlay howlgalkaas ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas lagu qabqabtay dad la baadi goobayay oo ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay Gudaha degmadaas.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuur oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in la qabtay dhowr labaatan Ruux oo ka mid ah Al-Shabaab kuwaas oo baadi goob lagu hayay.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dadkaas oo ka dambeeyay dilal Odayaal iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay u soo gudbiyeen Hay’addaha amniga dalka oo Muqdisho ku sugan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.