Dagaalkaas ayaa xalay waxa uu ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxana uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa waxa u u dhaxeeyay laba maleeshiye beeleed,waxana uu ka dhacay tuulo lagu Magacaabo laba Garas oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Cadale.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Dalsan in dagaalka uu ku bilaawday dilal aanooyin qabiil ah oo dhacay,isla markaana kii xalay uu hal ruux ku geeriyooday laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkaas oo qaatay mudo ka badan laba Saacadood ay kala dhexgaleen waxgaradka degmada Cadale,isla markaana xaaladu saakay ay tahay mid degan.
Degmada Cadale iyo Tuulooyinka hoostaga ayaa dagaal beeleedyada waxa ay yihiin kuwo kusoo lab laabtay,waxaana jirtay in dhowr mar heshiis lakala dhex dhigay beelaha dagaalamay.
Dhageyso Wareysiga mid ka mid ah dadka degmada Cadale.