(Warbixin)Soomaaliya kaalintee ayay kaga jirtaa dalalka sida xun Haweenka loogu tacadiyo?

Khubaro ka tirsan Hay’adda  Thomson Reuters Foundation ee mataanka la ah Wakaalladda Wararka ee REUTERS waxay muddo 7 sannadii ee la soo dhaafay Sahmin ku hayeen Tacadiyadda ay Dumarka kala kulmaan Bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin.

Cilmi-baaristaasi ayaa waxaa lagu ogaaday Shanta Waddan ee ay Haweenka sannadihii la soo  dhaafay kala kulmeen Khatarta ugu sarreysa, waxayna Warbixintui sheegtay inay Somalia kaalinta 5-aad kaga jirtay Qiimeynta laga argagaxo ee ay la kulmaan Haweenka ku nool Caalamka..

Qiimeyntaas waxaa si guud loogu sheegay sida ay Dalalka Kaalimaha ugu horreeya ka galeen Tacadiyada Hawewenka la kulmeen 7-dii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo 5-ta Waddan ee galay Kaalimaha 1-aad ilaa 5-aad kala yihiin: dalalka  Afghanistan, Kongada Dimuqraadiga, Pakistan, Hindiya iyo Somalia.

Dhinaca kale, Warbixinta Hay’adda  Thomson Reuters Foundation waxaa lagu sheegay inay sannadkan  eegayeen haddii ay Qiimeyntaasi wax iska bedeleen, balse la ogaaday inay weli socdaan Tacadiyadda ay Haweenka iyo Gabdhaha yaryar lagula kaco., kuwaasi oo ay ku jiraan Tacadiyadda Kufsiga, Ka-ganacsiga Haweenka la tahriibiyo iyo gabdhadha yaryar ee la guursado ka hor intaysan gaarin da’da 18-jirka ama lagu shaqeysto.

Cilmi-baarista waxaa lagu sheegay inay Qiimeyntooda ballaariyaan, isla markaana ay indha-indheeyeen Tobanka Waddan ee ay Haweenka kala kulmaan Tacadiyadda ugu daran.

Guurka gadbahaha carruurta waxay weli tahay dhibaato taagan, iyadoo ku-dhawaad 70 million oo Haween iyo Gabdho yaryar  la guursaday ka hor 18-jirkooda, taasi oo keenta inay gabdhaha yaryar uur qaadaan, iyadoo kala kulma khatar caafimaad iyo in la xadido Tacliinbtoda iyo Fursadahooda kale..

Qiuimeynta Hay’adda Thomson Reuters Foundation ee Daraasaadaasi ee sannadkan ayaa lagu soo bandhigay Tobanka Waddan ee ugu khatarsan ee lagu dhibaateeyo Haweenka.

Dalalkaasi waxay Kaalimaha 1-aad ilaa 10-aad u kala galeen sidatan:

 

  1. Hindiya
  1. Afganistan

 

  1. Syria
  1. Somalia
  2. Sacuudiga
  1. Pakistan
  1. Kongada Dimuqraadiga
  1. Yemen
  1. Nigeria
  1. Maraykanka

Si kastaba ha ahaatee, Qiimeyntaasi waxay ku soo beegantay iyadoo ay Hoggaamiyayaasha Caalamka 3 sanno ka hor isku raaceen in Tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka laga dhameeyo Caalamka sannadka 2030-ka, iyo inay Haweenka iyo gabdhaha yaryar  loogu oggolaado inay si xor ah u noolaadaan, kana qeyb galaan Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Nolosha Dadweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor