Boliska Liyuu Police ee Dowlad-gobaleedka Soomaalida deggan dalkaasi ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dilkii Tayasir Cumar Food Maxamed, taasi oo lagu dilay Degmadda Qabri Daharey oo 800 KM dhanka K/bari kaga toosan Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Marxuumadda waxay shaqaale ka ahayd Qabri daharey, waxay kaloo ahayd Qareen u ololeysa Xuquuqda Haweenka.
Qaar ka mid ah Eheladeeda ayaa sheegay inay ku geeriyootay gacanta Ciiddanka Liyuu Police-ka Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia.
Sawiro la soo dhigay Braaha Bulshada ayaa waxa maydkeeda ka muuqday dhaawac kaga yaalla qoorta, iyadoo la sheegay in la daldalay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Isbahaysiga Caddaaladda ee Gobalka Soomaalida (SRAJ), Maxamed Ismaaciil Cumar ayaa sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaa dilkaasi, isla markaana ay ka tacsideynayaan.
Waxa uu dilkaasi ku eedeeyey Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ku nool Ethiopia, Cabdi MaxamedCumar iyo Jeneraalo Tigreey ah, waa sida uu hadalka u dhigay,