(Warbixin) Maxay ka dhigan tahay Doorashada Berito ka dhaceysa deegaanada Soomaaliland?

3 Murashax Madaxweyne ayaa berrito ku loolami doona Xilka Madaxtinimadda Maamulka Somaliland ee ay Caalamka weli u aqoonsan yihiin Goballo ka tirsan Jamhuuriyadda Somalia.

Siyaasiyiinta Reer Somaliland waxay sannadkii 1991-kii ku dhawaaqeen inay ka go’een Goballadda kale ee dalka Somalia, inkastoo aysan weli helin Ictiraafka ay 26-ka sanno u xusul-duubayeen.

Juqraafi ahaan, Dhulka hoos taga Maamulka Somaliland  ayaa ka kooban Goballada W/galbeed. Togdheer, Awdal iyo qeybo ka mid ah Goballadda Sanaag iyo Sool.

Reer Somaliland ayaa lagu ammaani karaa inay ku caano-maalayaan Nabad. Deganaansho iyo Gorumar, marka loo eego qeybo kale ee dalka Somalia ee ay Colaadaha ragaadiyeen.

Tan iyo sannadkii 1991-kii, waxaa Maamulkaasi isaga kala dambeyey dhowr Madaxweyne, iyadoo Marxuum Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur ) ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka la magac baxay Somalialnd.

C/raxmaan Tuur waxa uu Xilkaaasi hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 1991-kii ilaa 1993-kii, waxaana uu mar kale isku soo taagay Doorashadii dhacday sannadkii 1993-kii, inkastoo laga guuleystay.

Madaxweynihii 2-aad ee Maamulka Somaliland waxa uu ahaa Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo mar Ra’iisul-wasaare ka soo noqday dalka Somalia.

Waxa uu talada Madaxtinimadda Somaliland hayey ku-dhawaad 10-sanno, laga bilaabo sannadihii 1993-kii ilaa sannadkii  2002-dii.

Madaxweynihii 3-aad ee soo maray Maamulka Somaliland waxa uu ahaa Daahir Riyaale Kaahin, oo Ku-xigeen u ahaa Madaxweynihii hore ee Cigaal.

Daahir Riyaal Kaahin oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Somalia ee xilligii Dowladdii Kacaanka , waxa uu Xilka Madaxweynaha Somaliland qabtay markii uu geeriyooday Marxuum Cigaal, wuxuuna xilkaasi hayey muddadii u dhexeysay 2002-dii ilaa 2010-kii

Daahir Riyaale waxa uu xilka ka degay markii looga guuleystay Doorashodii dhacday sannadkii 2010-kii, iyadoo uu ku soo baxay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” oo ilaa haatan haya xilkaasi.

Inkastoo uu Madaxweyne Siklaanyo xilkiisa dhamaaday, haddana waxaa dib loo dhigay Doorashaddii ka dhici lahayd Maamulkaasi, kadib, caqabado Siyaasadeed iyo Abaaro ku dhuftay qeybo ka mid ah Somaliland.

Madaxweyne Silaanyo ayaa ka degi doona Xilkaasi, isla marka la doorto Madaxweynaha Cusub ee Somaliland.

Berrito oo ay bisha November tahay 13-ka, waxaa Somaliland ka dhici doonta Doorasho Madaxweyne oo ay ku loolami doonaa 3 Murashax oo  ka kala socota Xisbiyadda Siyaasadeed ee Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Xisbiga Kulmiye waxaa u tartami doona Muuse Biixi Cabdi, halka Xisbiga Waddani u taagan yahay C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) iyo Xisbiga UCID oo u tartami doono Siyaasiga Mucaaradka ee Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba ha ahaatee, Doorashadda Madaxtinimadda ee Maamulka Somaliland waxay Tijaabo Siyaasadeed u noqon kartaa Heerka Dimuqraadiyadda ee Doorashadaasi, waxaana la kala ogeyn inuu Musuq hareeyn doono iyo inay Doorashadu noqon doonto mid Daah-furaan oo si xor ah u dhacda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media