(Warbixin): Kolonel Qoondhe oo hoggaaminayey Dagaalkii maanta iyo Hoggaamiyayaal caawa ku sugan Cadale.

Isbedel ballaaran oo Horumar leh ayaa waxaa maanta laga dareemay Habka Dagaalka ee lagula jiro Alshabaabka ku sugan qeybo ka mid ah Gobalka Sh/dhexe.

Duullaankii ay maanta qaadeen Ciiddanka Qaranka oo ay wehliyaan Hoggaamiyayaal caan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Somalia, Cali Mahadi Maxamed, Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Cumar Maxamuud Filish, Maxamed Cismaan “Dhagaxtuur”, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo xubno kale ayaa waxay caawa ku sugan yihiin Aagga Hore ee Dagaalka ee Degmadda Cadale.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan  inuu Dagaalkii maanta ahaa mid aan loo kala harin, waxaana Ciiddanka hoggaaminayey Kolonel Qoondhe, oo isagu Xeeldheere ku ah Taatikadda Dagaalka.

Ciiddanka ayaa la sheegay inaysan hakanin gulufka ay ku qaadeen Alshabaabka ku sugnaa qeybo ka mid ah Sh/dhexe, waxayna Ciiddanka la wareegeen Deegaano u dhexeeya Degmadda Ruun Nurgood iyo Cadale, oo ay ka mid yihiin Deegaanadda Maxaa Saciid, Cadcadeey, Nuur Dugle, Cadaan-laxeey iyo Wargaadhi.

Wararka ugu dambeeyey ee naga soo gaaray Cadale, waxay sheegayaan inay Caawa halkaasi ku sugan yihiin Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Sarsare oo magac leh dadka ku nool Gobalka Sh/dhexe.

Dadweynaha ku nool Cadale ayaana si diiran u soo dhaweeyey Madaxdaasi iyo Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia, waxayna ballan-qaadeen inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Qaabka Dagaalka ee maanta Alshabaab lagala wareegay Deegaano ka tirsan Sh/dhexe ayaa lagu tilmaamay guushii ugu ballarnayd ee ay Ciiddamaddu ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Alshabaabka ku sugan Gobalkaasi.

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor