HomeWarar(WARBIXIN): Gabar Soomaali oo Qaxooti ku ah Czech Republic oo codsatay Magdhow...

(WARBIXIN): Gabar Soomaali oo Qaxooti ku ah Czech Republic oo codsatay Magdhow Lacageed.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Maxkamad ku taalla caasimadda dalkaasi ee Baraag (Prague) waxaa shalay ka bilaabantay Dhegeysi Dacwad lagu soo oogay Macallimad ka mamnuucday 2 gabdho oo u kala dhashay Somalia iyo Afganistan inay Fasalka soo galaan iyagoo xiran Hagooga u gaarka ah Haweenka Muslimka ee Xijaabka. Gabadha Soomaalida oo sannadkii 2011-kii magangelyo Qaxootinimo ka heshay dalka The Czech […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamad ku taalla caasimadda dalkaasi ee Baraag (Prague) waxaa shalay ka bilaabantay Dhegeysi Dacwad lagu soo oogay Macallimad ka mamnuucday 2 gabdho oo u kala dhashay Somalia iyo Afganistan inay Fasalka soo galaan iyagoo xiran Hagooga u gaarka ah Haweenka Muslimka ee Xijaabka.

Gabadha Soomaalida oo sannadkii 2011-kii magangelyo Qaxootinimo ka heshay dalka The Czech Republic ayaa Codsatay in Magdhow Lacageed iyo Raalli-gelin laga siiyey Tallaabadda looga diiday inay iyadoo xijaaban wax ka barato Dugsiga Kalkaaliyayaasha Caafimaadka sannadkii 2013-kii.

- Advertisement -

Gabadha Soomaalida waxay codsatay in la siiyo magdhow Lacageed oo dhan 60,000 ee Lacagta laga isticmaalo dalkaasi ee Crowns., maadaama loo geystay Takoor dadban oo Waxbarashadda iyo Xulashadda Xorta ee Xirfadda.

Waxay kaloo sheegtay inay Maamulka Dugsiga horey isku af-garteen inay Xijaabka ku qaadan karto Fasalka, balse marka ay ku shaqeynayso Kalkaaliso inay Xijaab soo hagoogan Karin.

“Ma jirto qof ii sheegay in la iga mamnuucay inaan Xijaabka ku dhigan karo Dugsiga” ayey tiriGabadha Soomaalida oo ah Carmalad (Garoob) aan weli ilmo dhalin.

- Advertisement -

Qareenka u doodayey Gabadha Soomaalida oo lagu magacaabo Radka Korbelova Dohnalova ayaa sheegay inay gabadha ka soo carartay dalkeeda hooyo, isla markaana ay Macallimadda kula dhaqantay Qaab Takoorid oo dhinaca Diinta ah.

Gabadha Soomaalida ayaa la sheegay inaysan shalay tegin Maxkamadda, iyadoo ka baqatay Jawiga Kacsanaa ee ka jiray Nawaaxiga Maxkamadda oo ay soo buux dhaafiyeen Arday caraysnaa, kuwaasoo taageersanaa Macallimadda lagu soo oogay Dacwadda.

Qareenka waxa uu tilmaamay in maalintii ugu horreysay ee ay Gabadhaasi Waxbarashadda bilaabaysay looga yeeray Xafiiska Macallinka Hor-joogaha (Head Teacher)-ka, laguna amray inay iska furto Xijaabka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Gabadha diiday amarkaasi, balse uu Maamulka Dugsiga ku khasbay inay saxiixdo caddayn muujinaysa inay iskeeda u joojisay Waxbarashadda Dugsiga.

Dhinaca kale, Maamulka Dugsiga oo ku sugnaa Maxkamadda ayaa beeniyey Arrintaasi, waxayna ku doodeen inay Gabadha Soomaalida iskeeda u joojisay Waxbarashadda, maadaama aysan haysanin Waraaqihii looga baahnaa Ardaynimadda.

Maxkamadda ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda go’aan ka gaaraan Dacwadda la xiriirta Gabdhaha Muslimiinta ee laga mamnuucay inay Xijaab ku dhigtaan Fasalka.

Xigasho: Prague Daily Monitor

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts