(WARBIXIN): Ethiopia iyo Eritrea oo isku raacay hagaajinta Xiriirkooda iyo in la bilaabo Duullimaadka Diyaaradaha.

Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea oo horey isku ahaa Caddow is-dila ayaa waxay haatan u muuqdaan kuwo doonaya in la dhayo Boogihii laga dhaxlay Colaadaha lagu riiqmay ee labada Ciiddan dhex maray sannadihii 1998-dii ilaa 2000.

Dagaalkaasi ayaa ka mid noqday dagaalladda ugu dhimashadda badan ee ka dhacay Qaaradda Afrika, waxaana 2 sanno gudaheeda lagu dilay 80,000 oo qof oo labada dhinac ah.

Xaalladda ayaa haatan u muuqata mid isbedeli karta, iyadoo Ra’isul-wasaaraha Isbedel-doonka ee Ethiopia, Abiy Ahmed Ali ku dhawaaqay inuu Baal Cusub u furmay labada Waddan, isla markaana ay dib u soo celin doonaan Xiriirkii ka dhexeeyo labada Waddan.

Wafdi heer sare oo ka socda Dowladda Eritrea ayaa waxay shalay booqashadoodii ugu horreysay ku tageen caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Wafdigaasi oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Eritrea, Osman Salah, waxaa ka mid ahaa  Yemane Gebreab oo ah Gacanta Midig ee  Madaxweynaha dalka Ereteria,  IsIsaias Afwerki.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo la kulmay Wafdigaasi waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in Xiriir Wanaagsan la yeeshaan Eritrea, isla markaanaka wada shaqeeyaan Danaha Shucuubta labadooda waddan.

“Rabitaankeenna waa Jacyl, halkii uu Nacayb ka ahaan lahaa, waan u hilownay Walaalaheenna ku sugan Asmara. Haddii aan nahay kuwo is-jecel, waxa kale waa wax iska yar” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo xalay Casho Sharaf u sameeyey Wafdigaas.

Waxa uu intaasi ku sii daray haddii ay intaasi sameeyaan inaysan Labada Waddan u baahnaan doonin Xuduud.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inaan loo baahnayn in Jillalka soo socda loo abuuro colaad iyo is-anacayb.

“Marka ay carruurteenna koraan,waxaan doonaynaa inay ka fekeraan inayWalaalo ku leeyihiin dhinaca kale ee Xuduudka” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha Ethiopia.

Sidoo kale, Ra’isul-wasaraaha Ethiopia waxa uu tilmaamay in Diyaaradaha shirkadda Ethiopian Airlines ay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabi doonto Duullimaadyo joogto ah oo ay ku tegayso dalka Eritrea.

“Dadka Ethiopian-ka ee danaynaya inay booqasho ku tagaan magaalladad Masawac ee Dekedda leh ee dalka Eritrea, waxaan ugu baaqayaa inay diyaar noqdaan, iyadoo ay Ethiopian Airlines u bilaabi doonto Adeegaasi sida ugu dhaqsaha badn” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha Ethiopia.

Diyaaradaha Shirkadda Ethiopian Airlines waxay Duullimaadyadii ay ku tegi jirtey Eritrea joojiyeen sannadkii 1998-kii oo ku aadan xilligii uu labada Waddan ka dhex qarxay dagaalka

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Eritrea, Osman Salah oo isagana Casuumaadaasi ka hadlay waxa uu sheegay in ay Booqashadiisa albaabka u furtay Albaabka Nabadda.

“Maanta waa maalin Farxadeed, waayo dadka wada dhashay iyo labad jiil waxay kala qoqobnaayeen muddadaasi, laakiin iyadoo loo marayo Halgan, waxaan wada furnay Albaabka Nabadda” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Eritrea.

Si kastaba ha ahaatee, Booqashadda ay Wafdiga Eritrea ku tageen Addis Abeba waxay timid hal isbuuc kadib, markii Madaxweynaha waqtiga dheer xukumayey dalka Eritrea, Isiyaas Efewerki sheegay inuu Wafdi u dirayo Addis Abeba, iyadoo laga cabir qaadanayo Horumarka haatan ka socda Gobalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media