Inkastoo ay Dadka Soomaaliyeed ku nolol qaadaanayaan Xilli Aadag iyo Xaallad amni-xumo iyo qaraxyo ayaa waxay u muuqdaan inaysan weli farxadda ka suulin, marka loo barbar dhigo Shucuubta kale ee Caalamka.
Warbixin cusub oo laga soo saaray Dadyowga ugu farxadda badan Caalamka ee sannadkan 2016-ka ayey Somalia waxay kaga jirtaa meel aan u liidanin marka loo eego Qiimeynta kale ee dhinacyadda Musuqa iyo Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha oo ay Somalia kaga jirta kaalinta ugu hooseyso .
Warnixinta oo loogu magac daray The World Happiness Report 2016 Update, waxaa lagu soo bandhigay Heerka Qiimeynta ee Dadka ku nool 156 Waddan.
Warbixintaasi oo ay isku soo duwday QM ayaa waxaa lagu soo beegay Maalinta ay QM u aqoonsatay Maalinta Farxadda Caalamka (UN World Happiness Day) oo loo dabaaldegi doono bishan March 20-da oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socota.
Dadka Soomaalida waxay qiimeyntaas Caalamiga ka galeen Kaalinta 76-aad, waxayna dadka Soomaaliyeed ka Farxad iyo Yididiilo wanaagsan yihiin dadyow badan oo ku nool dalal badan oo horumar ka gaaray Nolosha iyo Nabadda, sida Raashiya, Turkiga, Shiinaha, Iiraan, Masar, Morooko, Sudan, Urdun, Pakistan iyo kuwo kale.
Dadka ku nool Gobalka Somaliland ee W/galbeed ee dalkeenna Somalia waxay Qiimeynta ka galeen Kaalinta 97-aad.
Dhinaca kale, Dadka Soomaalida waxay Kaalinta 8-aad kaga jirta Dadyowga ugu Farxadda badan Dunida Carabta, waxa ka horreeya oo keliya  dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Qatar, Algeria, Kuwayt, Baxrayn iyo Libya.
Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta Qiimeynta sida ay u kala farxad badan yihiin Dadyowga Caalamka ayaa waxay u kala sarreeyaan sidatan:-
- Denmark
- Switzerland
- Iceland
- Norway
- Finland
- Canada
- Netherlands
- New Zealand
- Australia
- Sweden
- Israel
12.Austria
- United States
- Costa Rica
- Puerto Rico
- Germany
- Brazil
- Belgium
- Ireland
- Luxembourg
- Mexico
- Singapore
- United Kingdom
- Chile
- Panama
- Argentina
- Czech Republic
- United Arab Emirates
- Uruguay
- Malta
- Colombia
- France
- Thailand
- Saudi Arabia
- Taiwan
- Qatar
- Spain
- Algeria
- Guatemala
- Suriname
- Kuwait
- Bahrain
- Trinidad and Tobago
- Venezuela
- Slovakia
- El Salvador
- Malaysia
- Nicaragua
- Uzbekistan
- Italy
- Ecuador
- Belize
- Japan
- Kazakhstan
- Moldova
- Russia
- Poland
- South Korea
- Bolivia
- Lithuania
- Belarus
- North Cyprus
- Slovenia
- Peru
- Turkmenistan
- Mauritius
- Libya
- Latvia
- Cyprus
- Paraguay
- Romania
- Estonia
- Jamaica
- Croatia
- Hong Kong
- Somalia
- Kosovo
- Turkey
- Indonesia
- Jordan
- Azerbaijan
- Philippines
- China
- Bhutan
- Kyrgyzstan
- Serbia
- Bosnia and Herzegovina
- Montenegro
- Dominican Republic
- Morocco
- Hungary
- Pakistan
- Lebanon
- Portugal
- Macedonia
- Vietnam
- Somaliland region
- Tunisia
- Greece
- Tajikistan
- Mongolia
- Laos
- Nigeria
- Honduras
- Iran
- 106.Zambia
- Nepal
- Palestinian Territories
109.Albania
- Bangladesh
- Sierra Leone
- Iraq
- Namibia
- Cameroon
- Ethiopia
- South Africa
- Sri Lanka
- India
- Myanmar
- Egypt
- Armenia
- Kenya
- Ukraine
- Ghana
- Congo (Kinshasa)
- Georgia
- Congo (Brazzaville)
- Senegal
- Bulgaria
- Mauritania
- Zimbabwe
- Malawi
- Sudan
- Gabon
- Mali
- Haiti
- Botswana
- Comoros
- Ivory Coast
- Cambodia
- Angola
- Niger
- South Sudan
- Chad
- Burkina Faso
- Uganda
- Yemen
- Madagascar
- Tanzania
- Liberia
- Guinea
- Rwanda
- Benin
- Afghanistan
- Togo
- Syria
- Burundi
Haddii aad doonaysid Warbixintan oo dhamaystiran waxaad gujisaa ama aad (Click) siisaa qoraalkan: The World Happiness Report 2016 Update .
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan