Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ay sii kordhayaan tirade lamaanayaasha nolosha ku kala tagay kuwaa oo Feyruskan uu iska horkeenay.
Maamulaha xafiiska Guurka ee magaalada DazHu ee ku taala Koonfur bari ee dalka shiinaha ayaa sheegay in 300 oo dalab furriin ah ay soo gaartay xafiiskiisa muddo 24 sacadood gudahood ah sida uu u sheegay Wargeeyska Daily Mail.
Maamulaha Xafiiska Guurka Magaaladan DAZHU ayaa sheegay in arrintaasi ay ka dhalatay xaasaska oo ku qasbanaaday in waqti dheer oo ka badan intii loo baahnaa guriga ku wada sugaadaan iyo waliba Karaantiilka qasabka ah ee ay dowladda soo rogtay
Mas’uulkan ayaa xusay in tirade feelasha dalabka furriinka ee soo gaaraya xafiiskiisa ay laba jibbaar meen tan iyo markii uu dillaacay xanuunkan COVID19 .
Magaaladan kaliya kuma koobna dalabaadkan faraha badan ee Furriinka , waxaana jira in Gobolka Shiinaha ku yaal ee la yiraahdo Shanji isna la diiwaan galiyay tiradii ugu badneeyd dadka doonaya in ay ku kala tagaan nolosha xaasnimo , maalin kaliya ayaa xafiiska guurka u qaabilsan gobolkan waxaa soo gaaray 14 dalab furriin ah.
Dhanka kale Gobolka Fujiyan ayaa isna soo saaray heer aan la dhaafsiin Karin qabashada feelasha furriin doonka ah maadaama dad aad u farabadan ay soo codsanayaan in ay kala tagaan .
Dowaldda shiinaha ayaa sheegtay in hoos u dhac la taaban karo uu jiro dmarka la eego dadka u dhimanaya xanuunkan , laakin wali khatarta ay taagan tahay loogana baahan yahay dadweynaha in ay taxaddar muujiyaan.