Wargeyska Rakooba ee ka soo baxa magaalladda Khartuum waxa uu shalay oo Axad ahayd (April 28) qoray Warbixin uu ku bidhaamiyey inuu Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cumar Xasan Albashiir uu ooyin la dhacay, markii ugu horreysay oo mid ka mid ah Maxaabiista ku yiri: “Madaxweynihii la casilayâ€.
Wargeyska waxa uu Warbixintaasi hal-ku-dheg uga dhigay: “ War Gudaha xabsiga Kobar, Albashiir oo oyin la dhacay, markii uu maqlay qof ugu yeerayo Madaxweynihii la casilayâ€.
Wargeyska oo soo xigtay Ilo ku dhow Albashiir ayaa sheegay inuu ilmeeyey oo ay indhahiisa sidii daadka oo kale ilin ugu qubanaysay, kadib, markii uu maqlay hadalkaasi, waxaana uu rumeysan la’ yahay inuu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Kobar ee magaalladda Khartuum.
Albashiir oo xanuunka Isku-buuqa ama Istareeska ka qaaday Xabsiga uu ku jiro waxaa isbuucii hore daaweyn loo geyeey Isbitaalka Royal Care ee ku yaalla Khartuum, kadib, markii uu ku dhacay cuddurka Istarooga oo aad u kooban iyo isagoo diiday inuu cuntada cuno.
Dhinaca kale, Madaxda Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan waxay bilaabeen inay afka furtaan, waxayna markii ugu horreysay sheegeen inuu Madaxweynihii hore ku xiran yahay Xabsiga Kobar, isla markaana la soo arki karo.
Cumar Xsaan Al-bashiir oo talada dalkaasi hayey muddo 30-sanno waxaa xilka laga tuuray bishan April 11-dii, kadib, markii ay Saraakiisha milliteriga sameeyeen Afgembi aad loo farsameeyey.
Golaha Milliteriga ayaana Xilka si ku-meel-gaar ah u haya, waxayna Kooxaha Mucaaradka kala tashanayaan sidii loo dhisi lahaa Dowlad Rayid ah, waxaana la magacaabay Guddi si wadajir ah uga shaqeeyaa Xilliga Kala-guurka, si ay Milliteriga talada ugu wareejiyaan Dowlad Rayid ah.