HomeWararWarbaahino Caalami ah oo shaaciyay in  Wiil Soomaali ah uu ka dambeeyay...

Warbaahino Caalami ah oo shaaciyay in  Wiil Soomaali ah uu ka dambeeyay dilkii Xil. David Amess

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wakaalado caalami ah oo soo xiganaya warbaahinta dalka Britian ayaa sheegay, in Cali Xarbi Cali oo ah ninka looga shakisanyahay inuu Jimcihi magaalada London ku dilay David Amess oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain uu dhalay la talihii ra’isulwasaarahi hore ee Soomaaliya. Labada wakaaladood waxay sheegeen in wiilka dilka looga shakisanyahay, uu dhalay Harbi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakaalado caalami ah oo soo xiganaya warbaahinta dalka Britian ayaa sheegay, in Cali Xarbi Cali oo ah ninka looga shakisanyahay inuu Jimcihi magaalada London ku dilay David Amess oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain uu dhalay la talihii ra’isulwasaarahi hore ee Soomaaliya.

Labada wakaaladood waxay sheegeen in wiilka dilka looga shakisanyahay, uu dhalay Harbi Ali Kullane, oo horay u soo noqday la taliyaha dhinaca warbaahinta ee ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

- Advertisement -

Qalabka Warbaahinta Britain iyo ilo wareedyo u dhaw hey’adaha amaniga ee kiiskaan baaraya ayaa sheegay, in Cali Xarbi Cali ay xireen booliska Britain kuwaasoo xarigiisa u adeegsaday xeerarka ka dhanka ah argagixisada.

Cali ayaa ah qofka kaliya ee u xiran dilka xildhibaan Amess oo 69 jir ahaa, kaasoo Jimcihii lagu dilay toorray xilli uu bariga magaalada London kula hadlayay dadka isaga soo doortay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reueters, Harbi Ali Kullane, wuxuu u xaqiijiyay wargeyska Sunday Times ee dalka Ingiriiska, in wiilkiisa Cali Xarbi loo xiray arrimo la xiriira dil.

- Advertisement -

E-mail uu ugu soo jawaabay su’aal ay wakaaladda wararka Reuters ka weydisay arrimahaan, ayuuXarbi Cali Kullane ugu jawaabay in xilligan gaarka ah ay ku jiraan xaalad laga naxo oo aysan horay arag, sidaasi daraadeedna uusan diyaar u aheyn inuu ka hadlo sababo la xiriira baaritaanka oo billow ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts