Wararkii ugu danbeeyay Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan goob maqaayad ah oo ku taalla deegaanka Daarusalaam, waxaana weerarkaas geystay rag hubeysan, sida la sheegay.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka uu markii hore ku bilowday Bam gacmeed oo lagu tuuray maqaayada oo ay fadhiyeen rag isugu jiray dhallinyaro iyo Odayaal, Bambada kadibna waxaa xigtay toogasho loo geystay dadkii halkaas ku sugnaa.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa goobta ku dhintay, halka dad kalena oo kamid ahaa dad ku joogay maqaayada ay ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa durbadii goobta ka baxsaday dableydii hubeysneyd ee weerarka bambaabo iyo toogashada geysatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Banaadir ayaa durbadii tagay goobta ay wax ka dhaceen, iyagoona sida caadada u aheyd sameeyay howlgalo lagu baarayay aaga uu weerarka khasaaraha dhaliyey ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay dilal qorsheysan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor