Wararkii ugu danbeeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan oo meel fagaare ah lagu toogtay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa isbitaal loola cararay kaddib markii lagu toogtay Munaasabad ka dhacday magaalada Nara ee galbeedka Japan.

Shinzo Abe ayaa la toogtay labo jeer, iyadoo xabbada labaad ay uga dhacday dhabarka, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco. Wararka ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay la xiray.

Duqii hore ee Tokyo, Yoichi Masuzoe ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Abe oo 67 ah uu soo gaaray dhaawac culus.

Ninka la rumeysan yahay inuu toogtay mas’uulka waxaa loo dhaadhiciyay xabsiga, faah-faahin bandanna lagama hayo xaaladda Abe, sida uu warbaahinta u sheegay xoghayaha xukuumadda dalka Japan Hirokazu Matsuno

“Sabab kasta ha ahaatee, falkan waxuushnimada ah marna looma dulqaadan karo, si adagna waan u cambaaraynaynaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor