HomeCaalamkaRa’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo lagu dhaawacay weerar lagu qaaday

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo lagu dhaawacay weerar lagu qaaday

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga dhaawacay lugta maanta kadib markii kolonyo baabuur oo uu la socday la rasaaseeyey xilli uu ku sugnaa bariga dalkaas, waxaa sidaas sheegay kaaliyihiisa. “Nin watay qori darandoori u dhaca ayaa rasaas furay, dhowr qof ayaa dhaawacmay. Imran Khan sidoo kale wuu dhaawacmay,” ayuu Asad Umar u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga dhaawacay lugta maanta kadib markii kolonyo baabuur oo uu la socday la rasaaseeyey xilli uu ku sugnaa bariga dalkaas, waxaa sidaas sheegay kaaliyihiisa.

“Nin watay qori darandoori u dhaca ayaa rasaas furay, dhowr qof ayaa dhaawacmay. Imran Khan sidoo kale wuu dhaawacmay,” ayuu Asad Umar u sheegay Reuters. Khan ayaa la dhigay isbitaalka.

- Advertisement -

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Wazirabad, oo qiyaastii 200 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Islamabad. Khan ayaa xabadda waxay kaga dhaacday kal-dheerta lugta, sida uu sheegay Fawad Chaudhry oo ah afhayeenka xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan.

“Imran Khan iyo saaxiibkiis xisbiga Faisal Javed ayaa ku dhaawacmay rasaas. Khan waxay xabadda kaga dhacday kal-dheerta, waxaana labadooda loo qaaday isbitaalka,” ayuu Chaudry u sheegay Reuters.

Javad oo dhiig uu ka buuxay dharkiisa ayaa isaga oo isbitaalka ku jira u sheegay taleefishinka Geo “qaar badan oo ka mid ah saaxiibadeena ayaa dhaawacmay. Waxaan maqlanay in mid ka mid ah uu dhintay.” Nin lagu tuhmayo weerarka ayaa la toogtay sida uu sheegay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Khan.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyey toogashada, wuxuuna amray wasiirka arrimaha dibedda inuu ku sameeyo baaritaan deg deg ah.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts