Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha ka dhashay Duqeyn Itoobiya ka fulisay G/Tigray

Dhakhaatiirta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in duqeymo diyaaradeed ay ku dhinteen afar qof.

Xoogagga Tigreega ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya inay weerarradaas fuliyeen.

Labada dhinac ayuu midba midka kale ku eedeeyay hurinta iska-hor-imaadkan cusub, kaas oo jugtiisa laga maqlayo magaalada Kobo ee u dhow xudduudda Tigray ee gobolka Axmaarada

Mid ka mid ah haweenka deggen Kobo oo BBC-da la hadashay ayaa tiri: “Dagaalku wuxuu noo jiraa qiyaastii 20 kilo mitir. Waxaan maqlaynaa dhawaqa hubka culus. Weli waa la maqli karaa. Dagaalka wuu sii weynaaday. Ciidamo dheeraad ah ayaa soo galaya aagga.’’

Afhayeenka fallaagada TPLF, Getachew Reda wuxuu maalintii Isniinta bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dowladda dhexe ee Itoobiya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka Tigray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor