Wararkii ugu danbeeyay Dad isku qoys ah oo lagu laayay Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in toban ruux oo isku qoys ahaa lagu dilay weerar lagu qaaday guri ay deganaayeen.

Todobo dumar ah iyo saddex rag ah ayaa la dilay ka dib markii gurigooda oo u dhow magaalada Pietermaritzburg la weeraray subaxnimadii Jimcaha

Wasiirka booliska Bheki Cele ayaa sheegay in laba tuhmane la soo qabtay, mid la toogtay mid kalena weli gacanta lagu hayo. Ujeedada ma cadda.

Koonfur Afrika waxa ay ka mid tahay dalalka ay dilalka ugu badan ka dhacaan.

Booliska ayaa markii hore lagu wargaliyay toogashada kadib markii dadka deriska ay maqleen dhawaqa rasaasta. Mr Cele waxa uu sheegay in mid ka mid ah dhibanayaasha uu da’diisu ahayd 13 jir.

Sida ay ku warameen warbaahinta gudaha, dableyda hubeysan ayaa u suuragashay in ay gudaha u galaan hantida, kadib markii ay iska dhigeen ciidamo boolis ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor