Wararkii ugu danbeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Qarax lagu dilay

Ugu yaraan shan askari ayaa lagu dilay, seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaari ay la socdeen ay miino kula qaraxday duleedka degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Gaariga miinadu la qaraxday ayaa ka mid ahaa kolonyo gaadiid ah oo gelbineysay raashin ay hay’adda Maareynta Masiibooyinka dowladda Federaalka ugu qoondeysay degmada Mahaddaay ee Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Cilmi Raage ee Maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa u sheegay in qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay inay ku dhinteen Ugu yaraan shan askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa uu intaas kusii daray hadalkiisa in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameeyeen howlgalo baaritaano ah, oo amniga lagu xaqiijinayay, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo uu Guddoomiye ku-xigeenka bixiyey.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay xilli ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ku dhow yahiin in ay dagaalamayaasha Al-shabaab ka saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor