Wararkii ugu dambeeyay Xildhibaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Gaalkacyo.

Rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xildhibaanka ku toogtay xili uu ku sugnaa agagaarka Xarunta Shirka Somnet ee ku taalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo, isagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) oo ka tirsanaa Golaha deegaanka Gaalkacyo, waxaana la sheegay in marka hore dhaawac Culus uu soo gaaray, hayeeshee uu ku dhintay Isbitaal la geeyay.

Sidoo kale ragii ka dambeeyay dilka Mukhtaar Axmed ayaa goob luuq ah uga hortegay Askari ka tirsan Ciidanka Puntland, iyagoona rasaas furay, sidaasina Askariga uu dhaawac Culus uu kusoo gaaray, waxaana durbo looga cararay goob Caafimaad.

Intaas kadib raggii falalkaas geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halka lagu dilay Xildhibaanka tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ee Magaalada Gaalkacyo, iyagoona sameeyay baaritaano aan wax natiijio kasoo bixin.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xiliyada qaarkodo ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag dhalinyaro ah ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan  dilalkaas sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media