Wararkii ugu dambeeyay Xiisad weli ka taagan Gobolka Sanaag

Waxaa weli Gobolka Sanaag gaar ahaan deegaano hoostaga Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolkaas ka taagan xiisad u dhexeeysa laba Maleeshiyo beeleed oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay halkaas.

Dagaalka xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Maleeshiyaadka ku dhexmaray Tuulooyin hoostaga Degmada Ceel-Afweyn,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Degmada Ceel-Afweyn oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka xoogiisa shalay uu dhacay,waxaana ay tilmaameen inay dagaalka lagu arkay gaadiidka nooca dagaalka ah oo ku xiran yahay qori weyn.

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaas,halka in ka badan 30 qof kalena ay ku dhaawacmay,kuwaasi oo ka kala tirsan dhinacyada dagaalamaya,isla markaana waxaa kuw dhaawacmay loo soo qaaday Isbitaalka weyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa amar ku bixiyay in Ciidamo loo diro halka ay Colaada ka socota,waxaana uu sheegay in ka xun yahay dadka walaalaha ah ee Gobolka Sanaag ku dagaalamaya.

Dhinaca kale waxaa lagu soo waramayaa in dadkii deganaa deegaano dhowr ah oo ku yaalla duleedka Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag inay sameeyayan Barakac xoogan si ay uga fogaadan dagaalkaas.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media