Wararkii ugu dambeeyay Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro oo fiidnimadii xalay lagu weeraray Xarun ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Maamulka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Weerarka Bambaano ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Buundo-weyn ee Baladweyne, isla markaana waxaa lagu weeraray Xoghayaha xaafaddaas iyo Askar ku sugneyd goobta, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah.

Inta la xaqiijiyay Illa sadex ruux oo u ku jiro Xoghayaha Xafadda Bundaweyn ayaa ku dhawacmay weerarka iyo Askar ka tirsan Ciidanka amniga, waxaana dhaawacyada durbadiiba la geeyay Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ammaanka Maamulka iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa weerarka kadib bilaabay howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, sidoo kalena lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay weerarka Bambaano oo goobta ka baxsaday weerarka markii uu dhacay.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa marar kala duwan horey uga dhacay weeraro iyo qaraxyo dhaliyey khasaaro aad u badan, iyadoona inta badan weerarada halkaas ka dhaca ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor