Wararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in halkaasi ay ka dhacaday toogasho iyada oo faahfaahin ay kasoo baxayso.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubaysan gudaha Suuqa Bakaaraha in ay dil ugu geysteen Askari ka tirsan ciidamada dowladda,waxaana dilkaas fulisay koox Baastoolado ku hubeysnaa.

Goobjoogayaal ayaa dalsan u sheegay in markiiba goobata ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa boliiska oo Meydka goobta ka qaaday isla markaana xiray muddo kooban isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday ilaa iyo haatana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaas loo geystay Askarigaas ka tirsanaa ciidamada dowladda,waxaana dhacday dhowr jeer sidaan oo kale in Askar loogu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media