Wararkii ugu dambeeyay Shirka Somali iyo Somaliland ee Maanta furmaya

Maanta oo Axad ah ayaa Dalka Jabuuti waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shir u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Shirka ayaa waxaa shir Guddoomin doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xalay shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi uu kulan sii doono, isla markaana labada dhinac ay yeelan doonaan wada-hadallo.

Sidoo kale Qoraal uu saaray Madaxweyne Geelle ayaa waxaa uu ku sheegay in Shirka lagu casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo saacadaha soo socda tegi doona Jabuuti.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulankaas ay fududeysay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, uuna shir guddoomin doono Madaxweyne Geelle, waxaana kasoo qeyb galaya Wakiillo ka kala socda urur Goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

Weli si rasmi ah looma oga Ajendayaasha labada dhinac ay kulankooda uga hadli doonaan, iyadoo uu shirkani imanayo xilli sida la sheegay uu jiro cadaadis Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi uga imanaya dowlado iyo dad ku lug leh arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ka ambabaxay Magaalada Hargeysa, iyagoo kusii jeeda dalka Jabuuti, si ay uga qeyb galaan kulankaas.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaguna ku wajahan  Magaalada Jabuuti.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media