Wararkii ugu dambeeyay Rasaas laga maqlay Hargeysa iyo Khasaaro ka dhashay

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo qaar kamid ah Madaxda Xisbigaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdullaahi Cirro oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa  uu sheegay in rasaas lagu furay isaga iyo xubno ka tirsan Xisbigiisa xili ay  u soo socdeen Xarunta  Xisbiga.

Sidoo kale Guddoomiye Cirro ayaa tilmaamay in rasaasta ay ku fureen Ciidanka Booliska Somaliland uu dhaawac kasoo gaaray hal ruux, kaasi oo lagu daaweynayo mid kamid ah Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Magaalada Hargeysa.

Isaga oo sii hadlaayay Cabdiraxmaan Cirro ayuu Carabka ku dhuftay in saakay Xarunta Xisbigiisa ay la wareegeen Ciidanka Booliska, isla markaana ay xireen dhammaan Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta, hayeeshee markii dambe ay xoog ku galeen xubnaha Xisbiga.

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeeysa Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda Muuse  Bixi, taasi oo timid kadib markii uu Guddoomiye Cirro uu banaanbax ugu baaqay taareerayaashiisa, balse  arrintaas ay ka hor yimideen Ciidanka Booliska Somaliland, sidoo kalena la xiray Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media