Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Caawa lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Wanla-weyn

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Caawa lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka dhacay gudaha degmadaas.

Qaraxaas oo ahaa Bambada nooca gacanta lagu tuuro ah ayaa waxaa la sheegay in rag hubeysan ay ku weerareen Guriga uu Wanla-weyn ka deganaa Marxuum Maxamed Cabdullaahi Koosto, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Dadka deegaanka oo qadka telefoonka kula hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in jugta qaraxa mar qura laga maqlay gudaha degmada, uuna ku geeriyooday Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Wanla-weyn Maxamed Koosto.

Sidoo kale Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Aabaha dhalay Guddoomiye Maxamed Koosto iyo xaaskii uu qabay Marxuumka, kuwaasi oo xiliga uu weerarka dhacayay ku sugnaa guriga, waxaana dhaawacyadooda loo qaaday Xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaano kala duwan.

Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in Caawa Wanla-weyn uu ka socdo howlgal baaritaano ah, isla markaana lagu raadinayo ragii fuliyay weerarkii Bambaanada ahaa ee lagu dilay Marxuum Maxamed Koosto.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay uga hadlayaan qaraxaas ka dhacay, sidoo kalena lama oga cida weerarkaan ka dambeysay, maadaama ay degmada ay ka dhacaan weerarada Al-shabaab iyo colaado u dhaxeeysa dadka deegaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media