Wararkii ugu dambeeyay Nabadoon lagu dilay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay qeybo kamid ah Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ku dilay mid kamid ah nabadoonada degmadaas.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabu jiray Cabdirisaaq Yuusuf Siicow, waxaana la toogtay xili uu kasoo baxay Masjid ku yaalla xaafadda Gubta ee uu kusoo tukaday salaadii cesho, isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in ragii hubeysnaa ee toogtay Marxuum Cabdirisaaq goob ay si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana daqiiqado kadib halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.

Sidoo kale Ciidanka ayaa sameeyay howlgal baaritaano ah oo ay ku raadinayeen ragii hubeysan ee dilka geystay, hayeeshee ma jirto cid loogu soo qabtay howlagalkaas xalay laga sameeyay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag dhalinyaro oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media