Wararkii ugu dambeeyay Israsaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Galmudug

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa israsaaseyn socotay daqiiqado kooban oo barqanimadii Maanta ka dhacday deegaanka Hul-kujir ee hoostega Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Israsaaseynta ayaa dhexmartay rag hubeysan oo maleeshiydo beeleed ah, waxaana dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay u sheegeen in rasaasta ay timid, kadib markii maleeshiyaadka ay isku qabsadeen qaad laga keenay Itoobiya.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay israsaaseynta ka dhacday deegaanka Hul-kujir ee hoostega Magaalada Cadaado, iyadoona haatan xaaladda ay tahay mid degan, sida aan wararka ku helnay.

Inta la xaqiijiyay rasaasta ay is-dhaafsadeen maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah, halka 5 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Hul-kujir ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka Magaalada Cadaado ay ku baxeen maleeshiyaadka israsaaseyay, kadib markii ay isku qabsadeen qaad laga keenay dalka Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor