Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka u dhexeeya Dowlad degaanka iyo Al-Shabaab

Waxaa saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayaa degaanadii dhawaanahaan dagaaladu ka socdeed, ee dowlad degaanka, kadib markii dagaal u dhaxeeya ciidanka Liyuu Booliska dawlada deegaanka Soomaalida iyo Al-Shabaab uu shalay ka dhacay aaga Laasqurun oo 20 km u jirta degmada Feerfeer.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa dagaalkii shalay qaaday ciidanka Liyuu Boolis ee dawlad deegaanka Soomaalida. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dhinaca kale, madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa magaalada Godey kula kulmay ciidamo xoojinaya amniga xuduudda Itoobiya ay la leedahay Soomaaliya.

Dhinaca kale culimada degaanka Soomaalida ayaa iyaguna cambaareeyey weerarka Al-Shabaab ay ku qaadday degaankaas.

Culimada ayaa ka digay in fikirka Al-Shabaab uusan hoy ku yeelan maamulkaaas, sida ay sheegeen culimada oo baaqooda laga soo daayey telefiishanka ku hadla codka gobolka Ismaamulka Soomaalida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor