Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay Magaalada Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland ku dilay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dad deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay bartamaha Boosaaso gaar ahaan halka loo yaqaano Gaaca,isla markaana kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ay toogteen Askariga xili halkaas uu ku sugnaa.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Askariga la dilay lagu magacaabi jiray Shucayb Cismaan Caluula,waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay falkaasi oo la sheegay in ay wateen Mooto laba lugaaleey ah.

Ciidamada amniga Boosaaso ayaa howlgalo kala duwan waxa ay ka sameeyeen Xaafadda uu dilka ka dhacay,welina laamaha amniga ma shaacin cid ay u soo qabteen dilka xalay loo gesytay Askariga ka tirsanaa Ciidanka Puntland.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan,iyadoo inta badan Xaafadaha Magaaladaasi ay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyaan laamaha amniga Puntland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media