Wararkii ugu dambeeyay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintey 37 kalena way  ku dhaawacmeen kadib markii uu dhulgariir ka dhacay gobolka Van ee daklka Turkiga Axada maanta ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.

Sagaal ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ku jira xaalad halis ah, sida la sheegay , Wasiirka Arimaha Gudaha ee dalkaas  Suleyman Soylu wuxuu sheegay in seddex kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen carruur, isagoo intaa ku daray in guryo gaaraya 1,066  ay burbureen.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee dalkaas ayaa durba bilowday  howlo lagusoo badbaadinayo dadka  , ayuu yiri Soylu.

“Dadaallada baadi doonka  iyo badbaadinta dadka ayaa socda,” sidaas waxaa yiri wasiir Soylu.

Dhulgariirkan oo cabirkiisa uu ahaa 5.7 qiyaasta dhulgariirada  ayaa ku dhuftay xudduuda Turkiga iyo Iran.

Warbaahinta Dowladda ee loo yaqaan ‘TRT ayaa sheegtay ina dhulgariirka uu saameyey illaa 43 tuulo oo ku yaal dalka Turkiga, kuwaasoo ay horey uga dhaceen dhulgariiro xoog leh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media