Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Baay

Dagaal xooggan oo ku dhaxeeyay dad deegaanka ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa waxa uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka,waxaana ka soo baxaya fahfaahino kala duwan khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka oo ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa ka dambeeyay kadib makii sida la sheegay dad deegaanka ah oo is abaabulay ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa dalsan u xaqiijiyay in dagaalku uu ka dhacay dhowr meel oo kala duwan isla markaan,dhawaqa rasaasta laga maqlayay deegaano ka fog halka uu dagaalku ka dhaayay.

Dhinaca kalana mamulka degmada Qansaxdheere ayaa dhankooda xaqiijiyay dagaalka iyaga oo sheegay in khasaaro uu ku gaaray Alshabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Comments
Loading...