Wararkii ugu dambeeyay Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay G/Baay

Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Bardaale ee Gobolka Baay iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada degmadaas, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Bardaale ay weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanada kurtun iyo buulo-xaawo, isla markaana waxaa halkaas ka dhacay dagaal xoogan.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab, uuna dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaas ayaa waxaa inta la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen shan qof, halka sagaal qof kalena ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhammaantood ahaa dhinacyadii dagaalamay.

Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulkiisa ay weerar qorsheysan  ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Maxamed in dagaalkii ka dhacay Buulo-xaawo ay Ciidanka ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-shaabab, isla markaana waxaa uu sheegay in dagaalkaas ay sioo kale ku dileen xubno kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa uu dagaallo xoogan ku dhexmareen deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool, waxaana dagaalkaas inta badan ka dhashay Khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media