Wararkii ugu dambeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Qarax lagu dilay

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan  dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta 27-aad  ayaa Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa oo dhacay duhurnimadii Maanta ayaa waxaa uu kolonyada Ciidanka ku qabsaday xili ay socdaal ku marayeen wadada xiriirisa deegaannada Biya-cadde iyo Ceelbaraf ee Shabeellaha Dhexe, waxaana ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu yaraan Afar Askari ayaa ku geeriyooday qaraxa miinada ahaa, halka tiro intaas kabadana dhaawac uu soo gaaray, waxaana Ciidankaas ay kasoo baxeen degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, iyagoona kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayay ku sheegeen in qaraxii Maanta ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen 4 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, kuwaasi oo  saarnaa gaari nooca Tikniko ah.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale Al-shabaab ay qarax miino ah ula  eegteen Kolonyo ay la socdeen Ciidanka qeybta 27-aad ee xoogga dalka, xili ay socdaalayeen deegaanka Buurweyn, waxaana qaraxaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sido kalena uu dhacay dagaal xoogan.

Comments
Loading...