Wararkii ugu dambeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda oo dilay Darawal Mooto Bajaaj

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Darawal Mooto Bajaajle ahaa oo Maanta lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamo la socday gaari nooca dagaalka ayaa waxaa la sheegay inay dilka u geysteen Daraalka,isla markaana wuxuu falkan ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Cali Warsame,waxaana dhowr rasaas ku dhuftay Askari la socday Ciidamadii gaariga saarnaa.

Dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa Meydka marxuumka ka qaatay halkaasi,isla markaana waxaa la geeyay Xarunta Hay’adda dembi barista CID-ka ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta,waxaana gudaha Magalada ka dhacay dhowr dil oo kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media