Yaasiin Fareey oo Goordhow loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Agaasimaha KMG ah ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey ayaa Goordhow loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Musharax Taliye Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Fareey ayaa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP67, waxaana doorashada kula tartamay Musharax Maxamed Cali Culusow oo helay Codad gaaraya 20.

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in Agaasimaha KMG ah ee hay’adda Nabadsugida ee NISA Yaasiin Fareey uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP67, isla markaana  waxaa uu helay 68 Cod, waxaana halaabay 3 Cod.

Howlka ay ka dhacday doorashadan dhammaatay ayaa waxaa daqiiqado kadib ka dhaceysa doorashada kursi kale oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Fareey oo goor sii horreysay lagu baddalay Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa hadda ka mid noqonaya Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor