Yaa Maal-geliyay Barnaamijka Baxnaano ee uu daah-furay MD Farmaajo?

Barnaamijka Baxnaano ee uu dhawaan daah-furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa shaaca laga qaaday cidda rasmiga ee maal-gelisay Baxnaano.

Agaasimaha Bankiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Carlos Felipe Jaramillo oo war qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Barnaamijka Baxnaano ee uu daah-furay Madaxweyne Farmaajo uu Bankiga Adduunka uu maalgeliyay.

Agaasime Mr. Carlos Felipe Jaramillo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay furista mashruuca Cusub ee Baxnaano oo ah mid dowladda ay ku dooneyso in taakuleyn dhaqaale lagu siiyo qoysaska danyarta ah.

“Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa furista mashruuca ‘Baxnaano’ (Response Safety Net for Human Capital Project -SNHCP) oo uu maalgeliyay Bankiga Adduunka. Qorshahan waxaa lacag Caddaan ah lagu siin doonaan dadka danta yar iyo Qoysaska liita” ayuu yiri Agaasime Mr. Carlos Felipe Jaramillo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wajigiisa 1-aad ee Barnaamijka Baxnaano ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka, waxaana xusid mudan in dowladda aysan shaacin cida maal-gelineysa Barnaamijkaan.

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media