Xuutiyiinta oo Saddex markab oo mid Sacuudiga uu leeyahay qabsaday

Xuutiyiinta ayaa shaaciyey in ay dhanka koonfureed ee Badda Cas ku qabteen saddex markab oo midkood Sucuudigu leeyahay lana yidhaa Raabiq.

Telefishanka Al-Masiirah ee Xuutiyiinta ayaa tilmaanay in dagaalyahannada kooxdaasi ay “Saddexdaa Markab ku qabteen meel 3 Mayl u jirta jasiiradda Cuqbaan markii ay soo galeen biyaha Yemen iyaga oo aan wax ogaysiis ah bixin”.

Telefishanku wuxu intaa ku daray in dhegaha ay ka furaysteen shaqaalaha markaabiistaasi ilaalada xeebuhu tahay badheedh cad oo lagu jabinayo xeerarka caalamiga ah iyo ku xad gudub madaxbannaanida Yemen”.

Waxa kale oo Telefishanku sheegay in Maraakiibtaa la geeyey dekadda Saliif isla markaana laga qaadayo talaabada sharci ee ku haboon oo ay baarayaan laamaha ku shaqada ku leh.

Huwanta Sucuudigu hogaamiyo ayaa iyaguna mar hore xaqiijiyey in Xuutiyiintu Badda Cas ku af-duubeen markab jiidayey agabka saliidda ka qoda badda oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media