Xuska maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Sanad kasta Soomaaliya waxaa laga xusaa maanta oo kale 12-ka October maalinti la hindisay calanka buluuga ah ee Soomaaliya oo ku beegan 1954-tii, ayaa waxaa munasabad lagu xusayay 64 guuradii ka soo wareegtay markii la sameeyay Calanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee Dowladda, Ururada dhallinyarada iyo qeybaha bulshada.

Khudbado kala duwan oo lagaso jeediyey dabaal dagga ayaa waxaa intooda badan looga hadlayey sidii loo weyneyn lahaa Calanka Soomaaliya, bulshaduna u dhowri laheyd sharafta uu ku fadhiyo.

Cismaan Cali Nuur Xaashi oo ah waayo arag sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya waxbadan ka yaqaana oo lagu casuumay xuska ayaa ka sheekeyay cod bixintii lagu xushey calanka buluuga ah.

Wasiirku xigeenka Wasaraadda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Cabdirashiid Maxamuud iyo xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si isku mida uga faaloodey ahmiyada calankeena buluuga ku fadhiyo.

Wasiirka Wasaarada dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay muhiimad gaar ah maalinta xuskan loo asteeyey ay u leedahey guud ahaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, waxeyna hanbalyada maalintan Qaran salaam ay uga wakiil aheyd Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada hawada u marisay bulshada Soomaaliyeed.

Calanka buluuga ah ee xidigta dhexda ku leh ayaa waxaa Hindisay sanadki 1954 maanta oo kale Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan, waxaana markaa laga wada taagey guud ahaan dhulka ay dagaan shanta Soomaaliya ee xidigta calanka dhexda kaga taal u taagantahey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor