Xukuumadda Xilgaarsiinta oo soo saartay Digniin ku socota Ciidamada Dowladda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa soo saaray Digniin ku socota Ciidanka Xoogga dalka ee dowladda Federaalka, kadib Qoraal uu soo saaray Wasiirka.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed oo bartiisa Facebook ku daabacay Qoraal kooban ayuu Ciidanka Xoogga dalka uga digay inay ku milmaan Arrimaha siyaasadda, xili weli uu jiro khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Ciidanka Xoogga faray inay ka foggaadan in loo adeegsado Arrimo siyaasadeed, isla markaana wuxuu caddeeyay in cidii ku lug yeelata Arrintaas laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

“Iyadoo la dhowrayo Shuruucda Dalka, waxaan mar labaad Ciidamada Xooga Dalka (CXD) farayaa iney ku ekaadaan waajibaadkooda qaran ayna ka fogaadaan iney ku milmaan siyaasadda, Cidii ku cadaato waxaa laga qaadi doonaa talaabo waafaqsan shuruucda dalka” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Ciidamada Xoogga dalka u sheegay inay ka foggaadan in loo adeegsado Arrimo siyaasadeed, isagoo ka dalbaday inay ilaaliyaan oo ay dhowraan shuruucda dalka….

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor