Xukuumadda xilgaarsiinta oo Digniin kasoo saartay Lacagaha la dhaqo

Wasiirka cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka digay Qatar ka dhalan karta lacagaha la dhaqo, isagoona sheegay in ay danbi tahay arrintaas cidii lagu qabtaana laga qaadi doonno talaabo sharci ah.

Wasiirka cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ugu digay shacabka Soomaalieed cawaaqibta ka dhalan karta lacagaha la dhaqo ee dalka la soo galiyo.

“ Cid walba oo lacag isticmaasha ama keedisa ama dadka u kala gudbisa waxaa waajib ku ah lacagta ay guddbineyso meeshii ay ka timid in la yaqaano, meeshii ay u socotana la yaqaano wixii intaa ka baxsana qofkii lagu helo wuxuu muteysanayaa ciqaab ” ayuu yiri Wasiirka cadaaladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiirka cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay inay
danbi tahay lacagta la dhaqo, isla markaana cidii lagu qabtaana laga qaadi doonno talaabo sharci ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor