Xukuumadda xil-gaarsiinta oo ka hadashay Shirka Madaxda uga socda Afisyooni

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ayaa ka hadashay Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga socda Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xerada Xalane ee Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Shirka u socda Madaxd uu furay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, uuna shirka hordhac u yahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Shirkaan lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hirgalinta hishiikii 17 Sep iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa markii u horeysay hor-fariistay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, kaddib saddex todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Macalimuu.

Shirkan maanta furmay ayaa waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Roble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka ayaa lagu dhammeystirayaa dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hirgalinta hishiikii 17 Sep iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor