Xukuumadda xil-gaarsiinta ah oo u Jawaabtay Madaxweyne Saciiid Deni

Xukuumadda Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ah ayaa Jawaab ka bixisay hadalkii shalay kasoo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in Ciidamo hor leh la geeyay Garoonka Aadan Cadde, laguna weeraray Xerada Xalane.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo dad kula hadlaayay aalada Clubhouse ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin Ciidamo galay Garoonka Aadan Cadde oo weerar ku qaaday halka uu Xalane ka degan yahay Madaxweyne Saciid Deni.

Waxaa uu sheegay Dubbe inuu xiriiro la sameeyay taliyeyaasha Ciidamada, isla markaana aysan jirin Ciidamo la geeyay Garoonka oo Deni weerar ku qaaday, wuxuuna caddeeyay in Madaxweynaha Puntland loo sheegay warar been abuukar, maadaama isaga uusan banaanka u soo bixin.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay inuu aamisan yahay in Madaxweyne Deni ay war qaldan u geeyeen oo ay u sheegeen in Ciidamo dowladda geeysay Garoonka, taasina aysan waxba ka jirin, isagoona u caddeeyay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo  la hadlaayay BBC Somalia ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay Ciidamo Haramcad dul-dhigtay halka ay degan yihiin, isla markaana lagu soo weeraray Xalane, waa sida uu hadalka u dhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor