Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay Natiijada Imtixaanka shahaadiga ee sannad dugsiyadeedka 2021/2022  ee fasalka 12aad.

Wasaradda ayaa ku dhawaaqday Natiijada Rasmiga ah ee Imtixaankii la qaaday, waxaan sanadkaan Imtixaanka ku dhacday Arday badan oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo Imtixaanka lagu qaaday.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay Tirada Ardayda dhacday iyo inta gudubtay, waxaana sidoo kale la shaaciyay magacyada 10ka arday ee ugu sarreeya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Xukuumaddu sanadkaan qaadday.

Gobolka Banaadir ayaa sanadkaan ku yeeshay 6 arday 10ka arday ee ugu sarreysa Imtixaanka guud ee Dowladda, waxaana kaalinta 1aad galay arday ka socda Gobolkani Banaadir.

Sida ay Wasaaraddu shaacisay Imtixaanka waxaa ku dhacday 1,143 arday oo 1,100 ka mid ah ay yihiiin Gobolka Banaadir.

Si waliba Maamul Goboleedyada kala ah, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa 10ka arday ee ugu sarreysa Imtixaanka ku yeeshay min hal arday, halka Gobolka Banaadir na uu ku yeeshay 6 arday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor