Xukuumadda oo shaacisay Qodobka Maanta looga hadlayo Shirka Wadatashiga ee socda

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo sabti ah galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Qoraal soo  saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga ay shirka ugu sii amba qaadi doonaan doodo adeg oo ay yeelanayaan.

Madaxda ayaa waxaa ay  Maanta falanqeyn iyo wadatashi  ka leeyihiin cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya inuu la wareego mas’uuliyada amniga dalka, waxaana tallaabadaas ku taageeray Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, sida ay sheegayaan Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaan weli is afgarad laga gaarin qodobada waaweyn ee Shirka horyaalla, waxaana Shirka uu noqon doonaa mid sii socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor