Xukuumadda oo NISA ku Amartay in Amniga Garoonka Muqdisho ku wareejiso Booliska

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur soo saaray amar cusub oo ku socda Kusimaha Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Cabdullaahi ayuu Kusimaha Taliyaha NISA ku faray inuu mas’uuliyadda Amniga ee Ciidanka NISA ka hayeen Garoonka diyaaradaha ay ku wareejiyaan Ciidanka Booliska, dibna ula soo laabto dhammaan Ciidankii ka howlgalayay halkaas .

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay soo bateen cabashooyinka ay NISA kasoo gudbiyeen hay’addaha dowladda ee ka howlgala gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana ay ku kaceen xadgudubyo kala duwan, waa sida hadalka loo dhigay

Wasiirka amniga ayaa go’aamiyey in Ciidanka Booliska ay la wareegaan guud ahaan amniga Garoonka diyaaradaha, waxaana Wasiirka caddeeyay in mas’uuliyada amniga Garoonka lagula xisaabtami doono Ciidanka Booliska ee jooga Saldhiga Garoonka.

Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabadsugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u hoos-tagi jireen  Kaaliyihii hore ee Agaasimihii hore NISA C/llaahi Kulane.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Wasiirka amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor