Xukuumadda oo Qaramada Midoobay kala hadashay kordhinta taageerada DFS

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda, Mohamed Abukar Zubeyr ayaa maanta qaabilay masuuliyiin ka socday Qaramada Midoobay xafiisyadooda New york iyo Muqdisho, Ian Martin iyo James Swan.

Waxay ka wada hadleen sida hawlaha iyo taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu siiyo dowladda loola jaangoyn lahaa barnaamijyada xukuumadda cusub ay ahmiyadda siin doonto.

Kulamada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa La taliyeyaasha Amniga iyo Xiriirk Caalamiga iyo Dib u Heshiisiinta ee XRW, Kamaal Guutaale, Dr Hodan Cismaan iyo Cali Cabdi Awaare.

Xubnaha ka socday Qaramada Midoobay ayaa markii dambe salaan sharafeed iyo hambalyeyn ugu tagay Ra’iisul Wasaare Xamse oo shalay ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor